Anne-Marie Körlings brev på somaliska

Jag är glad att nu kunna lägga ut Anne-Marie Körlings fina brev om läsning även på somaliska tack vare studiehandledaren Amina Shire i Göteborg. Tack Amina och tack Cia Tiberg som förmedlade kontakten!

Waa muhiim barashada waxa aqriska

Waalidiinta sharfta leh
Barashada wax aqriska waa dariikh dheer, kaasoo lagu gaaro horumar. Marka uu canagu heerka aqriskiisa wanaagsanaado waaxa u sahlanaado fahamka waxa uu aqrinaayo. Barashada aqriska waa wax nala sconaayo ilaa inta aan noolnahay. Waxaan baranaa aqriska wargeysyada malin laha ah, macluumadka ay soo saarto hayadda canshuuraha iyo diwaan gelinta(skatteverkets) iyo waxaan kaloon baranaa aqrinta iyo fahanka qoraalada hishiisyada ah. Marnaba lagamaa dhamaado barashada aqriska. Dugsiga(iskulka) run ahaantii waxaa wajib muqadas ah ku ah in uu baro arday walba aqriska, hadalka, iyo dhagaysiga. Waxaasoo dhan waxaa loo sameeyaa in ardaygu ama cunugaaga uu barto aqrinta qoraalada adag iyo kuwa xeeladeysan fahamkooda sida: xayeysiiska, qoraalada ku qoran bogaga internetka iyo buugaagtaba. Ardayga waxa uu ka helaa dugsiga ama iskulka mar walba ereyo cusub si uu ugu gaaro horumarinta ra`yigiisa, taasoo macneheedu tahay in ardaygu aqrin karo qoraalka uuna fahmi karo ulajeedada qoraaga, fala ka bixiyaha iyo in uu dareemo sida aqriska faaíido ugu leeyahay waxbarashadiisa iyo dareenkiisa ku wajihan arinkaas. Taasina micnaheedu waa dimoqradiyad. Hadii aan ka hadalno waxbarashada ardayga laga soo bilaabo fasalka barbaarinta ilaa fasalka sagaalaad waxaa loola jeedaa in arday walba uu leeyahay fursad uu ku hormariyo luqadiisa iyada oo loo maraayo dhinacyo kala duwan si uu u helo ardaygu fahan balaaran oo ku wajehan qoraalada kala duwan. Luqadu waxa ay ka tarjumaysaa dimoqradiyad iyo aqoonsi shaqsiyadeed si aad wax kaligaa u qortid una fahantid waxa aad qorayso iyo waxa ay bulshadu sheegeyso isla markaana aad adiga wax gaarsiin kartid bulshada inteeda kale. Dugsiga ama iskulka waxa ay kala kulmaan ardayda maadooyin ku salaysan luqado gaar ah, taasoo loola jeedo luqad-dugsiyeed sida: ereyada iyo fikradaha ku saabsan ee loo isticmaalo kimistriga ,ereyada luqada afka ingisiska, ereyada ku wajehan jimicsiga iyo wixii la mid ah. Maado kastaa waxa ay leedahay ereyo iyo luqad u gaar ah sida ay u leedahayba maadada fisikiska.

Annonser

Kommentera

Fyll i dina uppgifter nedan eller klicka på en ikon för att logga in:

WordPress.com Logo

Du kommenterar med ditt WordPress.com-konto. Logga ut / Ändra )

Twitter-bild

Du kommenterar med ditt Twitter-konto. Logga ut / Ändra )

Facebook-foto

Du kommenterar med ditt Facebook-konto. Logga ut / Ändra )

Google+ photo

Du kommenterar med ditt Google+-konto. Logga ut / Ändra )

Ansluter till %s